Seynab labadhagax oo soo booqatay Minneapolis
Photo: (Ilyaas Maow, Mogadishu Times) Safari Banquet Hall.
Fanaanada weyn ee Seynab Labadhagax ayaa isbuucii lasoo dhaafay timid magaalada Minneapolis. Waxay show ku qabatay oo ka heestay hall-ka weyn ee Safari banquet oo ku yaala bartamaha magaalada Minneapolis.
Seynab waxay dhawaan kasoo laabatay oo ay booqatay magaalada Muqdisho. Cunto iyo waxyaabo kale ayay u geysay dad masaakiin ah oo u soo barakacay magaalada Muqdisho.
Fanaanada waxay ii sheegtay in ay magaalada Muqdisho kusoo aragtay rajo. Waxay tilmaantay in ay socdaan abaabulo badan. Fanaaniinta qaranka ayay ku tilmaantay kuwo door libaax ka qaata abaabulada lagu nabadeynayo wadanka.
Seynab waxay ii sheegtay in ay dooneyso in ay taageerto fanaaniintaas oo ay ka qeybqaadaneyso abaabuladaas socda.
























