Thursday, May 23, 2013
   
Text Size

Minnesota oo laga xusay 40 guuradii kasoo wareegatay qoraalka farta Soomaaliga

Magaalada Minneapolis waxaa looga dabaal degay 40 guuradii kasoo wareegatay maalintii la qoray farta Soomaaliga. Waxaa dabaaldegan Afrika uga yimid wafdi sare.

Waxaa ka mid ahaa Adan Xasan Adan oo ah gudoomiyaha Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed iyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa caan ah, horeyna u ahaa gudoomiyaha Naadiga.

Xaflada loogu dabaaldegayay maalintan qiimaha badan, waxaa kasoo qeyb-galay dadweyne farabadan oo badankood ay ahaayeen aqoonyahano. Waxaa goobta heeso, gabayo iyo buraanbur ku saabsan xuska qoraalka Soomaaliga ka qaaday fanaaniinta gobolka Minnesota iyo aqoonyahano.


Advertisement


Waxaa la tilmaamay in Afka Soomaaliga uu ku jiro luqadaha qatarta ku jira. Naadiga wuxuu u taaganyahay marwalbana u heelanyahay ilaalinta iyo horumarka Afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Naadiga Qalinleyda ee Minnesota Abwaan Siciid Saalax Axmed ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay gobolka Minnesota. Abwaanka wuxuu ka hadlay taariikhda Naadiga iyo booqashada wafdiga. Wafdiga waxay ka yimaadeen wadanka Jabuuti oo saldhig u ah Naadiga Qalinleyda. Dhowr wadan ayay booqasho ku mari doonaan.

40 Guurada farta Soomaaliga waxaa caawiyay oo hall-ka ku deeqay Safari Restaurant and Banquet. Waxaa kale oo caawiyay shirkada Bakaal Money Transfer oo lacag bixisay.

 

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg