Wednesday, June 19, 2013
   
Text Size

Minnesota oo si weyn looga xusay 52 guuradii xoriyada Soomaaliya

Gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota ayaa laga xusay 52 guuradii kasoo wareegatay maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeysigii haystay. Jaaliyada Soomaalida ee gobolka ayaa sameeyay xaflad weyn oo si sare loo soo agaasimay.

Soomaalida waxay xirteen wadada Lake St oo ah wadada ugu sixmada badan magaalada Minneapolis. Waxaa caruurta loo keenay geelii ay hidaha iyo dhaqanka u lahaayeen. Inkastoo caruurta geela fuuleysay ay ku dhasheen Mareykanka haddana intooda badan kama qaloon. Geelii iyo caruurtii Soomaalida waa isgarteen. Waxaad ka arki kartaan sawirada aan kasoo qaadnay.

Dadka waxay taagnaayeen banaanka. Hawada magaalada Minneapolis aad ayay u kululeyd laakiin waxaa lagu iloobay heesihii iyo gabayadii darandooriga u dhacayay. Fanaaniinta Minnesota ayaa goobta ka qaaday heeso dadka qiiro geliyay.

Waxaa xaflada kasoo qeyb gashay Sen. Amy Klobuchar oo gobolka Minnesota u matasha baarlamaanka Mareykanka. Waxay u hambalyeysay Soomaalida meel walba oo ay joogaan.


Advertisement


Xafladan quruxda badan waxaa soo agaasimay oo dhowr bilood waqtigooda ugu taba ruucay shaqsiyaad runtii mudan in la xuso, waxay kala yihiin Cabdiraxmaan Mukhtaar, Abdul Ibraahim, Ifraax Faarax, Fardowsa Cumar iyo dad kale oo waqtigooda ku deeqay maalintii ay xaflada dhacaysay. Waxaa kale oo qeyb libaax ka qaatay Confederation of Somali Community oo ah urur ay leeyihiin jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Qarash badan ayaa ku baxay xaflada, waxaa qarashka bixiyay oo howsha dabaaldega fududeeyay shirkad cusub oo Soomaali ah oo la yiraahdo Dauus. Waxay sameeyaan diaperka caruurta oo lagu magacaabo Nuna iyo tubooniga dumarka oo asna lagu magacaabo Bilan.

Shirkada waxaa laga leeyahay gobolka Minnesota. Alaabtooda waxaa lagu gadayaa suuqyada Minnesota ilaa iyo Soomaaliya.

Yaanan warka idinku badin. Sawirada ayaa idiin sheegaya oo idiin kala dhig dhigaya wixii shalay dhacay.

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket