Dowlada Soomaaliya oo weli caruurta u isticmaaleysa dagaalada
Getty Images
Sawirkan waxaa ka muuqda wiil aad u da’yar oo ka tirsan ciidamada dowlada. Joornaalka weyn ee New York Times ayaa hadda ka hor dowlada Soomaaliya ku eedeysay in ay dagaalada u isticmaasho caruur yar yar.
Eedeyntaas dowlada waa iska fogeysay, waxay tilmaameen in caruurta sawirada laga soo qaaday aysan ka tirsaneyn ciidamadooda. Wiilka yar ee hadda sawirka ka muuqda wuxuu ka ag shaqeynayaa ciidamada Amisom iyo askari ka tirsan ciidamada Ingiriiska.
Qof hubeysan oo aanan ka tirsanayn ciidamada dowlada oo kusoo dhawaan kara ciidamada Amisom ma jiro. Waa wax lala yaabo in dowlada Soomaaliya ay dagaalo u isticmaasho caruurtan oo kale.
Sawirka waxaa laga soo qaaday magaalada Afgooye.





















