Tuesday, May 21, 2013
   
Text Size

Maanta iyo muuqaalka Muqdisho, Arbaco Aug 01

Sawiradan waxaa maanta laga soo qaaday magaalada Muqdisho. Waxaa sawirada ka muuqda dugsiga dhexe ee Dhagaxtuur. Iskoolka wuxuu ku yaalaa xaafada Hodan. Wuxuu dhinaca ku haayaa iskool Hodan.

Iskoolkan waa iskoolkii aan uga baxay dugsiga dhexe, xasuus gaar ah ayuu ii leeyahay. Iskoolka waxaa ku dhawaa meelo badan oo caan ah sida barxada banooniga lagu dheelo ee Hodan. Barxadan waxaa ku dheeli jiray ciyaartoy badan oo xaafada Hodan deganaa oo caan ka noqday Soomaaliya sida Feysal qaldaan, alle ha u naxariistee Leyli, Qaasimey, Cismaan Bashiir, Obside ama offside, kooxda Roma iyo magacyo badan oo aanan halkan lagu soo koobi karin. Waxaa kale oo ku yaalay bangi weyn.

Sawirada waxaa kale oo ka muuqda in dhismaha uu ka socdo meel walba. Waxaa la yaableh in waqtigan guryaha lagu kala gato boqolaal kun oo dollar. Waxaa jira dhismo lagu kala gatay hal milyan oo dollar.


Advertisement

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg