Barnaamij lagu caawinayo gabdhaha Soomaalida oo laga bilaabay Minneapolis
Magaalada Minneapolis waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen madaxda jaaliyada gobolka iyo aqoonyahano. Waxaa looga hadlayay mustaqbalka waxbarashada ee dhalinyarada degan gobolka gaar ahaan kuwa Soomaalida.
Waxaa barnaamijkan isku soo daba riday oo soo qabanqaabiyay ururka Somali Women’s Education Network oo uu saldhigoodu yahay magaalada Minneapolis. Fardowsa Jaamac Yusuf oo ah madaxa ururka ayaa ii sheegtay in uu ururkoodu caawinayo ardada dada yar gaar ahaan gabdhaha Soomaalida.
Ardada jaamacadaha dhigta ayaa lagu xirayaa kuwa yar yar ee iskoolada dhigta si ay ugu faa’iideeyaan. Aqoonyahano badan ayaa lagu casuumay kulanka. Waxaa ka mid ahaa Prof. Dahabo Faarax Diiriye iyo Siciid Saalax. Waxaa kale oo kulanka ka hadashay Amiiro Axmed oo ka shaqeysa arimaha qoysaska iyo dumarka.
Prof. Dahabo Faarax oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya kana mid ahayd aas aasayaashii jaamacada luqadaha ayaa ka hadashay dhibaatada ay wax kusoo barteen waqtigooda. Waxay ardada u sheegtay markii ugu horeysay ee ay reerkeeda u sheegtay in ay wax baraneyso. Waxay tilmaantay in la dilay, waxay reerkeeda u qaateen in ay halawday. Ardada waqtigan wax ku baraneysa America ayay ku tilmaantay kuwo nasiib badan. Waalidiinta ayay sidoo kale ku tilmaantay kuwo fahmay qiimaha aqoonta.
Fardawsa waxay ii sheegtay in uu ururkoodu ay ka go’antahay in ay wax badan ka badalaan wax barashada dhalinyarada. Waxay kaloo ii sheegtay in waqtiga dhaw ay la shaqeynayaan gabdhaha oo kaliya, laakiin mustaqbalka ay kusoo daridoonaan wiilasha. Waxay tilmaantay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax ku caawiya arimaha ay wadaan. Waxay isticmaalaan jeebkooda.
Haddii aad dooneyso in aad caawiso dhalinta dada yar oo aad tahay arday dhigta jaamacada ama aad rabto in aad si kale u caawiso fadlan kala xiriir xafiiskooda ku yaala Brian Coyle Center ama wac telephone-ka (612) 607-9027.
Advertisement






















