Premier League-ga

Arsen Winger oo marki ugu horeysay kulan ka tirsan Premier League-ga ka guuleystay Jose Mourinho:

Arsenal ayaa Emirates St ku dubatay Manchester United ciyaar hal dhinac aheyd. Man United ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u liidata.

Granit Xhaka iyo D. Welbeck ayaa Arsenal ka saaciday iney laba gool iyo waxba ku garaacaan the Red Devils.

Arsenal ayaa wax yar sare u qaaday rajada ayka qabto iney usoo baxdo Champions league-ga walow ay shaqa adagi hortaal.

Qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal ayaa iska maamulaneysay waxeyna abuureen fursado dhowr ah balse wax gool ah kuma aysan dhalin waxana lagu kala nastay 0-0.

Qeybtii dambe marki la isku soo laabtay Arsenal ayaa cadaadis daran ku abuureysay daafaca Man United waxana u suurta gashay iney sadex daqiiqo gudahood ku dhaliyaan laba gool.

Daqiiqadii 54aad Granit Xhaka ayaa gool qurux badan daba mariyay goolhaye David De Gea kadib caawin uu ka helay Alex Oxlade-Chambarlain.

Arsenal ayeysan wax badan ku qaadan iney la timaado goolka labaad. Daqiiqadii 57aad Oxlade-Chambarlain ayaa mar labaad gacan ka geystay gool uu madax ku dhaliyay D. Welbeck.

Wixii inta ka dambeyay Arsenal ayaa ciyaarta furaha u heysay. Alex Oxlade-Chambarlain ayaa noqday xidigii garoon ka ugu ficnaa. Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Arsenal.

 

Liverpool iyo Southampton ayaa ku kala baxay bar baro goolal la’aan ah.

Horyaalka Talyaaniga

As Roma ayaa 1-4 ku soo xasuuqday AC Milan oo San Siro joogtay . Edin Dzeko ayaa labaaley dhaliyay halka laba gool oo kale ay kala dhaliyeen S. El Shaarawy iyo D. De Rossi.

Milan waxa goolka calanka u dhaliyay Mario Pasalic. Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-4 oo ay Roma ku soo bur-burisay AC Milan.

Tageerayaasha Milan ayaa si heer sare ah u sagootiyay macalimuu Francesco Totti kabtanka naadiga Roma oo isagu dhawaan daaha ka rogay inuu ciyaaraha isaga fariisanayo dhamaadka fasal ciyaareedkaan.