By Feysal Cumar Cabdi Gurey | Mogadishu Times,

Arsenal vs Crystal Palace

Naadiga Crystal Palace ayaa guuldaro xanuun badan dhabarka usoo saartay kooxda Arsenal. Crystal Palace oo ciyaar ilqabad leh soo bandhigtay waxay saddex iyo eber ku garaacday Arsenal.

Daqiiqadii 17aad A. Townsend ayaa gool aad looga soo shaqeeyay hogaan ka ugu dhiibay. Gool kaas ayaa lagu kala nasty qeybtii hore ee ciyaarta.


Qeybtii dambe markii la isku soo laabtay Crystal Palace ayaa halkeeda kasii waday weerarkii ay ku heysay goolka Arsenal. Daqiiqadii 63aad, Yohan Cabaye ayaa gool cajiib ah hogaanka ugu sii dheereeyay Crystal Palace.

Daqiiqadii 68aad, Emeliano Martinez ayaa xerada ganaaxa ku jilaafay A.Townsend, garsoore Mecheal Oliver oo ciyaarta dhex-dhexaadinayay ayaana gool-kulaad u dhigay Crystal Palace.


L. Milivojevic, ciyaaryahanka premier league-ga ku cusub ayaa gool u badalay gool-kulaadkii loo dhigay.

Rajadii Arsenal ayka qabtay champions league-ga aya ceeldheer kusii dhacday. Wilfried Zaha oo laba gool gacan ka geystay ayaa loo magacaabay xidigii garoonka.