Nin askari ah oo magaciisa la yiraahdo Hassan Aden ayaa garoonka diyaaradaha ee New York lagu leexsaday. Hal saac iyo bar ayaa la baarayay.

Hassan Aden wuxuu 26 sano askari ka ahaa magaalada Alexandria. Shantii sano ee ugu dambaysana wuxuu madax u ahaa police-ka magaalada Greenville, NC.

Wuxuu tilmaamay in lagu xad gudbay. Wuxuu sheegay in uu u sheegay in uu waqti dheer ciidamada u shaqeynayay laakiin dhag jalac looma siin.

Hassan Aden waa 52 jir dhalashada Mareykanka qaatay 42 sano ka hor. Abihiis waa Soomaali, hooyadiisana waa Talyaani. Wuxuu ka soo noqday markii la leexsanayay Paris oo uu ugu soo dabaal-degayay dhalashada hooyadiis oo 80 jir ah.

Aad buu uga carooday sidii loola dhaqmay wuxuuna tilmaamay mar haddii sidaas loola dhaqmay nin askari ahaa dadka kalena si ka xun loola dhaqmo.

Hassan Aden wuxuu kaloo sheegay in uu isbadal weyn ku dhacay Mareykanka. Wuxuu tilmaamay in hore loo soo dhaweyn jiray markuu wadanka dib ugu soo laabto.