Barcelona vs Real MadridBarcelona vs Real MadridBar

By Feysal Cabdi Cumar Gurey | Mogadishu Times,

Barcelona vs Real Madrid

El Classico Barcelona oo Real Madrid gurigeeda kusoo garaacday. Ciyaar isha lagu wada hayay oo ka dhacday St Bernabeu ayaa waxaa ku kulmay Real Madrid iyo Barcelona.

Dheeshan oo ah mida loogu daawashada badan yahay kubbada cagta caalamka ayaa waxaa lagu magacaabaa El Classico waxaana ku hardama labada kooxood ee horyaalka dalka Spain ugu tunka weyn.

Garoonka waxaa soo camiray taageerayaal aad u fara badan. Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasadeysan waxayna labada kooxood mid waliba isku dayeysay in ay la timaado goolka furitaanka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayey labada kooxood fursado golal lagu dhalin karey iska lumiyeen. Daqiiqadii 28aad ayey Real Madrid la timid goolka furitaanka waxaana u dhaliyay Casemiro oo caawin ka helay Sergio Ramos.

Isla qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 33aad Leo Messi ayaa u bar-bareyay Barcelona waxaana goolka caawin tiisa laha Evan Rakitic.

Daqiiqadii 39aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa badal lagu saaray Gareth Bale oo dhaawac soo gaaray.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay gool iyo gool. Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa aheyd mid kulul labada kooxood ayaa ciyaarayay kubbad weerar ah.

Daqiiqadii 73aad Barcelona ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay waxaana gool u dhaliyay Rakitic oo isagu ciyaarta ka dhex muuqday.

Daqiiqadii 77aad waxaa kaar guduudan oo toos ah loo taagay Sergio Ramos Real Madrid ayaana lagu soo yareyay 10 ciyaaryahan.

Daqiiqadii 86aad Real Madrid ayaa la timid goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay James Rodriguez oo badal kusoo galay ciyaarta.

Daqiiqadii 90+2 Leo Messi ayaa Real Madrid ka dhaliyay gool qalbi jabiyay. Ciyaarta aya kuso dhamaatay 2-3 oo ay Barcelona guul kula hoyatay.

 

Kulan ka tirsanaa FA Cup-ka oo ay isaga horyimaadeen Manchester City iyo Arsenal. Arsenal ayaa 1-2 ku dar-dartay Man City.

 

Horyaal ka Premier league-ga.

Manchester United ayaa laba iyo eber kusoo garaacday Burnley.

Liverpool oo gurigeeda joogtayna waxay 1-2 ku dubatay Crystal palace.

Horyaalka Talyaaniga-na 

Juventus ayaa  4-0 ugu awood sheegatay Genoa.

Milan waxa gurigeeda 1-2 kusoo garaacday Empoli.

Lazio waxay 6-2 ku xasuuqday Palermo