By Feysal Cumar Abdi Gurey | Mogadishu Times,

Kulamo ka tirsana horyaalada Spain iyo England oo la ciyaaray.

Horyaal Spain Barcelona iyo Real Madrid ayaa goolal isugu faanay.

Barcelona oo marti galisay Osasuna  ayaa 7-1 ku xasuuqday. Lionel Messi, Andre Gomes iyo Paco Alcacer oo min laba gool dhaliyay halka goolka 7aad uu ku darsaday Muscherano. Osasuna goolka madiga ah waxaa u dhaliyay R. Torres. Ciyaarta ayana waxay kuso gaba-gabowday 7-1 oo ay Barcelona ku bur-burisay Osasuna.

Real Madrid caradii ayka qaaday El Classico waxay kala dul dhacday Deportivo waxayna ku dar-dareen 2-6. James Rodriguez ayaa laba jeer shabaqa kasoo taabtay Deportivo Alvaro Morata, Lukas Vasquez, Isco iyo Casemiro ayaa iyaguna golal dhaliyay.

Kulamadi kale ee la ciyaarayna waxaa ka mid ahaa Valencia ayaa guuldaro 2-3 ah kala kulantay Real Sociedad. Leganes waxay 3-0 ku dhufteen Las Palmas.

Horyaalka Premier League-ga.

Arsenal ayaa gool iyo waxba ku garaacday Leicester City. Goolka ayaa ahaa mid ay iska dhaliyeen Leicester waxaana dhamaadkii ciyaarta iska dhaliyay R. Huth.

Tottenham Hotspur waxey hal iyo eber ku suuldaareen Crystal Palace waxaana goolka u dhaliyay Cristian Ereksen.

Middleburg waxey gool iyo waxba ku mareen Sunderland.

Germany

Brossia Dortmund aya ciyaar aad u xiisa badneyd Allianz Arena kuso garaacday kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Bayern Munich. kulankaan oo ka tirsanaa afar dhamaadka DFB-Pokal Cup ayey Dortmund 2-3 kusoo garaacday Bayern Munich. Bavarian ayaa bishaan April gudaheeda macsalaameeyay laba koob oo kala ah Champions league iyo DFB-Pokal Cupka.