Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho 3 maalmood ah ku jooga wadanka Kenya. Waa socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago wadamada deriska la’ah Soomaaliya tan iyo intii uu ku guuleystay doorashada.

Wuxuu maanta heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxiixday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya waxaa lagu leexin jiray magaalada Wajeer.

Heshiiskii maanta la kala sixiixday waxaa lagu heshiiyay in mudo labo todobaad gudahood ay diyaaradaha si toos ah u iman doonaan Nairobi.

Soomaali badan ayay dhibtay diyaaradaha lagu leexiyo Wajeer. Inta uu madaxweynaha joogo wadanka Kenya wuxuu uga qeyb-gali doonaa shirka IGAD oo waqtigan looga hadli doono abaaraha Bariga Afrika.