Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Mareykanka ayaa duqeeyay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Al Shabaab. Duqeynta waxay dhacday habeenkii ay Sabtida soo galeysay. Waxaa la tilmaamay in duqeynta ay ku dhinteen ku dhawaad 100 ka mid ah ciidamada Al Shabaab.

Saldhigyada la duqeeyay waxay ku yaalaan Wargaduud iyo Ceel-cade. Waxaa duqeynta ku dhintay saraakiil sar sare oo Shabaab ah.

Waxaa la rumeysanyahay in marka ay duqeynta dhacaysay ay Al Shabaab diyaar u ahaayeen in ay dulaan qaadaan. Dhowr baabuur oo waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayaa goobta ku qarxay.

Dhacdadan waxay imanaysaa kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka ku dhawaaqay in uu badalay siyaasadiisa Soomaaliya ee dhanka ciidamada.