Heshiiskii ay wada galeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ayaa maanta dhaqan galay waxaana bilawday diyaaradihii sida tooska ahaa ee Mogadishu iyo Nairobi.

Mudo lagu qiyaasay 11 sano ayay diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya loo diidanaa in ay toos uga degaan magaalada Nairobi.



Xaflad lagu maamuusayo arintaas ayaa ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde waxaana ka qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Diyaaradaha waxaa lagu leexin jiray magaalada Wajeer. Dad badan ayay ka careysiiyay arintaas.
Heshiiskan cusub waxaa soo dhaweeyay shirkadaha diyaaradaha iyo ganacsatada isaga gooshta Soomaaliya iyo Kenya.