Wadanka Turkiga waxaa maalinta Axada ka dhacaya doorasho. Waxaa loo codeynayaa “yes” ama “no”. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu rabaa in “yes” loo codeeyo halka kuwa kasoo horjeedana ay rabaan “no”.

Haddii dadka intooda badan ay u codeyaan “yes”, madaxweynaha wuxuu helayaa awood farabadan, wuxuu kala dirayaa baarlamaanka, wuxuu magacaabayaa wasiirada, garsoorayaasha maxkamadaha sar sare, wuxuu kaloo baabi’inayaa jagada ra’iisal wasaaraha.

Dadka kasoo horjeeda waxay leeyihiin haddii “yes” loo codeyo awooda dowlada waxay hoos imanaysaa hal qof wuxuuna noqonayaa keligii taliye.

Laakiin Erdogan wuxuu tilmaamay in codka “yes” uu wadanka u horseedi doona xasilnaan, nabad iyo horumar. Haddii tiisa la qaato, wadanka kama dhici doonaan wax doorasho ah ilaa iyo 2029 Erdogana wuxuu joogi doonaa ilaa iyo waqtigaas.

Haddii uu isbadalkan dhaco wuxuu noqonayaa isbadalkii ugu weynaa ee Turkiga ka dhaca tan iyo intii la jabiyay awoodii Osmaniyiinka oo qarni ka badan.

Dadka taageersan “yes” waxaa lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin 52%.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la hadlaya taageerayaasha raacsan ee “yes”

Dad badan ayaa is weydiinaya maxaa keenay isbadalkan. Waxaa loo malaynayaa in uu madaxweynuhu shaki badan ka qabo maxkamadaha, baarlamaanka iyo meelo kale oo muhiim ah.

Waxaa ku badan taageerayaasha wadaadka Fethullah Gulen oo lala xiriirinayo inqalaabkii fashilay ee 2016.