Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay shaqaalaha dowlada lacagtooda qaadan doonaan inta aanan la gaarin ciida.

Axmed Yusuf Muumin Siraji oo ah xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in ay bixinayaan lacagta shaqaale kor u dhaafaya 5kun oo qof.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hore u balanqaaday in ay bixinayaan lacagta shaqaalaha dowlada gaar ahaan ciidamada.

Bashiir Ciise Cali oo ah gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa tilmaamay in ay xukuumadu hore u bixisay shanti bilood ee la soo dhaafay.

“bixinta lacagta shaqaalaha waa dowladnimo waa xaqsoor” sidaas waxaa yiri Bashiir Ciise Cali.

Lacagta waxaa shaqaalaha loogu dirayaa mobile-dooda. Waxaa kale oo ay dowlada tilmaantay in bixinta lacagta shaqaalaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto kobcinta dhaqaalaha wadanka.