Sawirqaade Soomaali ah oo bandhig sawireed ku sameeyay Minneapolis
Magaalada Minneapolis waxaa ka bilawday bandhig sawireed loogu magacdaray The Youth/Dhalinyarada. Sawirada waxaa soo bandhigaya sawirqaade Soomaali ah oo lagu magacaabo Mohamud Mumin.
Waxaa lasoo bandhigay sawirada 13 dhalinyaro oo Soomaali ah. Dhalinyaradan waa dhalinyaro kusoo kortay Minnesota. Waa dhalinyaro aad looga yaqaano gobolka.
Bandhiga wuxuu si rasmi ah u bilaabanayaa maanta oo Axad ah March 25, 2012. Wuxuu soconayaa ilaa iyo Arbacada. Sawirada waxaa wehliya oo la socda video. Video-ga waxaa loo sameeyay sida sawirada oo kale.
Qeybta video-ga dhalinyarada waxay ka sheekeynayaan taariikhdooda Minnesota iyo tan iyaga u gaarka ah. Waa bandhig aad wada jecleysandoontaan ee ha moogaanina.





















