Qatarta cudurka Cagaarshowga oo loo soo bandhigay Soomaalida Minnesota
Dhaqaatiir ku taqusustay cudurka Cagaarshowga ayaa la kulantay Soomaalida degan gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis. Kulanka wuxuu ka dhacay xaafada Cedar oo ah xaafada ay ku badanyihiin Soomaalida.
Waxaa laga hadlay qatarta cudurka Cagaarshowga. Dhaqaatiirtii hadashay waxay tilmaameen oo ay isku raaceen in aysan Soomaalida ogeyn qatarka cudurka. Ogaansha la’aantaas darteed, waxaa badanaya Soomaalida qabta cudurka.
Cagaarshowga waa la isku daartaa. Siyaabo badan ayaa loo kala qaadaa. Haddii aadan dhaqtar u tagin oo aadan ogaanin in aad qabto, waxaa macquul ah in aad sii fidiso cudurka. Waxaad ku daaran kartaa xaaskaaga, ninkaaga ama caruurtaada. Dhaqaatiirta waxay isku raaceen in ay muhiim tahay in aad dhaqtar u tagto oo aad is ogaato.
Waa cudur la daaweyn karo haddii aad dhaqtar u tagto inta uusan xumaanin oo uusan faraha ka bixin. Dhaqaatiirtii ka hadashay kulanka waxaa ka mid ahaa:
Dr. Abdirashid Shire
Dr. Mohamed Hassan
Dr. Coleman Smith
Dr. John Jovanovich
Dr. Lewis Roberts
Dr. Mohamud Afgrashe
Haddii aad dooneyso in lagaa baaro Cagaarshowga la xiriir xarunta caafimaadka ee Gargaar ama xarunta Axis.
Waxaa kale oo socda cilmi baaris ku saabsan Cagaarshowga. Cilmi baaristan waxaa wada Dr. Abdirashid Shire oo ka shaqeeya Mayo Clinic. Waxaa la doonayaa dad Soomaali ah.
Cagaarshowga wuxuu Soomaalida u saameeyaa si ka duwan sida uu dadka kale u saameeyo. Cilmi baaris dad kale lagu sameeyo kama jawaabeyso qaabka uu Soomaalida u saameeyo. Haddaba waxaa muhiim ah in la helo dad Soomaali ah oo ka qeybqaata cilmi barista uu wado Dr. Abdirashid Shire.
Haddii aad dooneyso in aad ka qeybqaadato cilmi barista ama aad rabto in su’aalahaaga lagaaga jawaabo fadlan la xiriir:
Dr. Abdirashid Shire (507) 284-2845 ama
Nasra Giama (507) 538-0097





















