Sunday, May 19, 2013
   
Text Size

Ra'iisal Wasaarihii hore oo urur uga dhawaaqay Minnesota

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho ku yimid gobolka Minnesota. Ra’iisal Wasaaraha wuxuu Minnesota uga dhawaaqay urur cusub. Ururka waxaa lagu magacaabaa Tayo.

Waxaa la socday oo xaflada ururka cusub kala qeybgalay Dr-resa Maryan Qaasim iyo Sahra Maxamed Cali Samatar oo ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukunkii Farmaajo. Intii aysan xaflada dhicin wuxuu Ra’iisal Wasaaraha booqday labada mall ee waa weyn ee ay Soomaalida Minnesota ku ganacsadan Karmel iyo 24-ka.

Intii uu mall-ka ku jiray gebi ahaan waxaa istaagay ganacsigii suuqa. Waxaa loo soo wada baxay in la arko oo la gacanqaado Farmaajo. Dadka badankood waxay ahaayeen kuwo ku faraxsan in ay arkaan Ra’iisal Wasaaraha. Waxay kaloo muujiyeen in ay taageersanyihiin siyaasadiisa iyo ururkiisa cusub ee Tayo.

Xaflada waxay ka dhacday Jaamacada weyn ee University of Minnesota. Dad farabadan ayaa buuxdhaafiyay hall-ka. Dadka qaar waa taagnaayeen 6-dii saacadood ee uu barnaamijka socday qaarna dhulka ayay fadhiyeen halka qaarna aysan u suurtoobin in ay gudaha soo galaan.

Waxaa ka hadashay xaflada Dr-resa Maryan Qaasim oo runtii dadka ka yaabsatay. Waqti dheer ayay hadlaysay haddana waxaad moodaa in ay dadka weli rabeen in ay sii hadasho. Waxay ka hadashay dhibaatada Soomaaliya, dumarka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leeyihiin xalka iyo dhismaha wadankooda. Wax walba oo ay ka hadasho Maryan waxay ka eegaysay dhanka diinta. Waxay tilmaantay haddii aysan cadaalad iman in aanan la helayn heshiis waara. Waxay ku talisay in dumarka lala tashado oo maamulka lagu daro. Ururka Tayo ayay ku tilmaantay urur ay cadaaladu saldhig u noqoneyso. Aad ayaa loogu riyaaqay Maryan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa isna sheegay haddii aanan cadaalad la helin in aanan nabad la helayn. Wuxuu sheegay in uu kasoo horjeedo 4.5. Wuxuu ka hadlay wax qabadkiisa waqtigii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa. Wuxuu tilmaamay in uu dhisay ciidamada hadda baacsanaya Al Shabaab. Farmaajo wuxuu sheegay waqtigii yaraa ee uu xukunka hayay in ay sameeyeen isbadalo badan. Ururka cusub wuxuu ku tilmaamay in uu yahay urur u dhashay aqoonyahanada wadaniyiinta ah ee hadda aanan haysan meel ay kasoo galaan siyaasada iyo dhismaha wadankooda. Wuxuu kaloo uu ururka ku tilmaamay in uu yahay urur u hadla dumarka iyo qofwalba oo dulman. Wuxuu dadka ka codsaday in ay ka mid noqdaan ururka. Aad ayaa loogu riyaaqay hadalkii Ra’iisal Wasaaraha.

Waxaa kaloo xaflada ka hadashay fanaanada qaranka Saado Cali. Saado waxay qaaday hees ay qeyb Soomaali tahay qeybna Ingiriis. Waxay u qaaday Mahiga.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay odayaasha dhaqanka Soomaalida. Waxay tilmaameen in ay taageersanyihiin ururka cusub.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg