Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo tacsi loogu sameeyay Minnesota
Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa tacsi u sameysay alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed. Soomaali farabadan ayaa kasoo qeybgashay tacsida.
Waxaa kasoo qeybgalay madaxda jaaliyada, siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo dhalinyaro. Waxaa laga hadlay taariikhda Madaxweynaha. Waqtigii uu military-ga ku jiray iyo waqtigii uu siyaasada ku jiray.
Waxaa ka hadlay dad aqoon dheer u leh Madaxweynaha. Waxaa la tilmaamay in uu ahaa nin geesi ah oo ay Soomaalinimadu ku dheertahay. Waxaa kaloo la sheegay in uu ahaa nin wadankiisa jecel oo Itoobiyaanka u diiday in ay calankooda dhulka Soomaalida ka taagaan. Waxaa la tilmaamay in uu 6 sano oo xarig ah u galay arinkaas.
Wuxuu ahaa ninkii aas aasay Puntland iyo dowlada ku meelgaarka ah. Waxaa Soomaalida laga codsaday haddii uu jiro qof wax u qaba Madaxweynaha in ay cafiyaan. Waxaa kaloo laga hadlay oo lagu celceliyay in ay Soomaalida is cafiyaan. Waxaa la wada qiray in ay markaan tahay markii ay Soomaalida ugu fiicantahay. Waxaa la wada sheegay in uu xalka Soomaaliya dhow yahay.
Tacsida Madaxweynaha waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wuxuu Farmaajo sheegay in ay Madaxweynaha iyo isaga lahaayeen xiriir wanaagsan.
















