Thursday, May 23, 2013
   
Text Size

Madaxa isboortiga Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale oo ku dhintay qarax

Qarax ay ku dhinteen 10 qofood ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa wuxuu ka dhacay theater-kii weynaa ee dhawaan la furay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray madaxa isboortiga Soomaaliya Aaden Yabarow Wiish iyo madaxa kubada cagta ee Soomaaliya Saciid Maxamed Nuur. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Cali ayaa qudbadeynayay waqtiga uu qaraxa dhacay. Ra’iisal Wasaaraha wuu ka badbaaday qaraxa.

Waxaa la tilmaamayaa in ay gabar yar is qarxisay. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Wasiirka Qorsheynta Abdullahi Goodax Barre iyo Dr. Dalxa. Dad kale oo farabadan ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Waxaa loo dabaaldegayay 28 guuradii kasoo wareegatay maalintii la aas aasay Television-ka qaranka. Dabaaldega wuxuu ku bilawday si qurux badan. Waxaa joogay inta badan mas’uuliyiinta xukuumada. Waxaa heesayay hobolada qaranka.

Al Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxa.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg