Thursday, May 23, 2013
   
Text Size

Xaflad looga hadlayay wax qabadka ururka East African Services oo ka dhacday Minneapolis

Ururka East African Services ayaa ka warbixiyay shaqooyinka uu bulshada u qabto. Waxay kaloo codsi u direen bulshada Soomaalida si looga caawiyo hawlaha ay bulshada u hayaan.

Xaflad looga hadlayay hawlaha ururka uu qabto ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Ururka wuxuu qabtaa shaqooyin kala duwan. Wuxuu ka hawlgalaa xaafada Anoka.

Hawlaha ay hadda gacanta ku hayaan waxaa ka mid ah arday K-12 ah oo ay ka caawiyaan waxbarashada. Waxay caawiyaan ilaa iyo 20 arday. Xaflada waxaa kasoo qeyb-galay Dan Severson oo u tartamaya kursiga ay hadda ku fadhiso Sen. Emy Klobuchar. Dan wuxuu u sharaxanyahay xisbiga Republican-ka.

Waxaa kale oo xaflada joogay Connie iyo Rachel oo ah gabar iyo hooyadeed oo ururka ka caawiya dhanka waxbarashada. Intii aysan hadlin gudoomiyaha ururka Fadumo, waxaa goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururka Eng. Jabriil.

Wuxuu ka hadlay shaqooyinka uu ururka u qabto bulshada. Wuxuu kaloo ka hadlay qiimaha ay leedahay in la taageero ururkan oo kale.

Ugu dambeyntii waxaa hadashay gudoomiyaha ururka Fadumo. Waxay u mahadcelisay dadkii garab taagnaa ururka oo ku shaqeynayay bilaashka. Waxay kaloo ka hadashay baahida loo qabo urur noocan oo kale ah. Waxay dadkii yimid xaflada ka codsatay in dhaqaale lagu taageero ururka.

Ururka wuxuu kaloo wax u qabtaa dumarka.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg