Tuesday, June 18, 2013
   
Text Size

Ma maqashay sheekada Adam Jama?

Qaar ka mid ah Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa isugu yimid hal u jeedo, in ay badbaadiyaan wiil yar oo Soomaali ah oo ka tirsan communitigooda. Wiilka yar magaciisa waxaa la yiraahdaa Adam Jama waana 14 jir.

Adam waxaa maskaxda gudeheeda uga soo baxday buro. Burada waa ay weynaaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa. 8 Sano ka hor ayaa laga qalay. Waxaa la jaray 95% burada. Dib ayay buradii usoo noqatay waana ka weynaatay sidii hore.

8 Sano ayuu Adam isbitaal kusii socday kana soo socday isaga iyo reerkiisaba. Kiimakadii lagula dagaalamayay burada ayaa xanuun iyo isbadalba u keentay Adam. Waxaa isbadalay muuqaalka wejigiisa.

Intii aysan burada kusoo bixin Adam wuxuu ahaa wiil yar oo caqli badan. Wuxuu ahaa A student. Adam waa wiil yar oo adkeysi badan. Ma jecla in uu dadka u sheego in uu xanuunsanyahay. Adam waxaa awoowe u ah Gen. Adam Jaamac Cumar (Cirday) oo ahaa taliyihii nabad-sugida Soomaaliya.

Waxaa hadda jirta rajo fiican oo Adam lagu badbaadinkaro, laakiin waxaa loo baahanyahay lacag. Lacagta loo baahanyahay waa $200 oo kun. Habeenkii Jimcaha waxaa Adam loo aruuriyay $15000.

Lacagta Adam lagu badbaadinayo ma’aha lacag badan haddii loo wada istaago oo uu qof walba ka qeyb-qaato. Haddii ay ganacsatada, masaajidada iyo dadkaba u istaagaan.

Fadlan fiirso video-ga ay soo duubeen reerkiisa kuna caawi wixii aad awoodo.

Haddii aad rabto in aad caawiso riix halka hoose:

 

www.saveadamjama.com

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket