Wiil Soomaali ah oo 10 jir ah ayaa lagu dilay Buffalo
Wiil Soomaali ah oo jira 10 sano ayaa lagu dilay magaalada Buffalo. Waxaa meydkiisa laga helay basement-iga gurigii uu deganaa.
Dilka wiilka waxaa loo xiray ninkii qabay hooyadiis. Police-ka Buffalo waxay sheegeen in uu ninka qirtay in uu wiilka dilay.
Wuxuu Police-ka u sheegay in uu wiilka afka iyo gacmahaba uga xiray duck tape dabadeedna uu garaacay ilaa uu ka dhinto.
Ninka wiilka dilkiisa qirtay ee loo xiray waxaa magaciisa la yiraahdaa Ali Mohamud.





















