Thursday, June 20, 2013
   
Text Size

Abaabulka maamul-goboleed cusub oo loo sameynayo gobolada Jubbooyinka ayaa bilawday

Gobolka Minnesota waxaa ka dhacay kulan weyn oo ay isugu yimaadeen Soomaalida degan Minnesota gaar ahaan Soomaalida kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka. Kulanka waxaa looga hadlayay aayatiinka gobolada Jubbooyinka.

Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Col. Abdullahi Ciilmooge Xirsi oo ah gudoomiyaha jaaliyada Jubbooyinka ee North America. Waxaa laga hadlay baahida loo qabo in maamul-goboleed loo sameeyo gobolada Jubbooyinka.

Col. Abdullahi Ciilmooge wuxuu dadweynihii yimid u sheegay in uusan jirin maamul-goboleed matala dadka degan deegaanka. Wuxuu ka hadlay shirkii ka dhacay London. Wuxuu tilmaamay in aanan kulankaas lagu matalin dadka degan Jubbooyinka inkastoo la sheego in uu jiro maamul.

Col. Abdullahi wuxuu dadka dareensiiyay baahida loo qabo in la dhiso maamul matala dadka degan jubbooyinka. Wuxuu ka codsaday in ay bilaabaan dhexdana u xirtaan sidii lagu dhisi lahaa maamulkaas.

Waxaa telephone kusoo hadlay oo fikirka la qaba Col. Ciilmooge, gudoomiyaha ururka Raaskaambooni Sh. Axmed Madoobe oo hadda dagaal adag kula jira kooxda Al Shabaab oo hadda gacanta ku haysa inta badan gobolada Jubbooyinka. Wuxuu Sh. Axmed u sheegay dadkii dhageysanayay in uu taageerayo maamul fiican oo ay dadka sameystaan oo ay ku qanacsanyihiin.

Col. Ciilmooge wuxuu sheegay in ay qorsheynayaan in maamul la sameeyo inta aanan la gaarin bisha June. Wuxuu kaloo tilmaamay in maamulka laga sameynayo wadanka gudihiisa. Dadkii kulanka joogay aad ayay ugu riyaaqeen arinkaas.

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket