Soomaalida Minnesota oo soo dhaweeyay madax ka tirsan dowlada Turkiga
Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socda dowlada Turkiga oo uu hogaaminayay Safiir ku xigeenka dowlada Turkiga u fadhiya wadanka Mareykanka H.E. Timur Soylemez. Waxaa kaloo la socday madaxda jaaliyada Turkiga ee wadanka Mareykanka oo uu hogaaminayay Mr. Gunay Evinch.
Soo dhaweynta oo ahayd mid si sare loo soo agaasimay ayaa waxay bilaabatay subaxii 8:30 AM. Waxay dhamaatayna habeenkii 11:00 PM. Waxay ka koobneyd kulan quraac ah oo uu la yeeshay Congressman Keith Ellison, xaaska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Hodan Ciise iyo madaxda jaaliyada. Wuxuu kaloo la kulmay madaxda dhalinyarada Soomaalida ee gobolka Minnesota. Wuxuu la qadeeyay Imaamada masaajidada Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Ugu dambeyn wuxuu yimid convention-ka magaalada Minneapolis oo ay ku sugayeen kumanaan Soomaali ah. Waxaa lagu soo gabagabeeyay casho si sare loo soo agaasimay oo ka dhacday hotelada ugu casrisan uguna qaalisan gobolka Minnesota. Intaas oo dhan waxaa loo yeelay oo loo sameeyay in looga mahadceliyo sidii hagar la’aanta ahayd, geesinimada lahayd ee ay u taageereen Soomaalida waqti looga cabsi qabay in ay dhintaan Soomaalida barkeed.
Convention-ka oo ahayd meeshii ay isugu yimaadeen dadkii ugu badnaa ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahanada, Culuma udiinka, haweenka, dhalinyarada iyo madaxda jaaliyada Soomaalida ee gobolka. Waxay dhamaantood ka hadleen waxqabadka dowlada Turkiga iyo sidii ay u gargaareen Soomaalida. Xasan Dhooye iyo Sh. Xasan Jaamici oo labadaba caan ka ah Minnesota weligoodna aanan gabyin ayaa goobta ka tiriyay tixo gabay ah oo ay ugu mahadcelinayaan dowlada Turkiga. Aad ayaa loo jeclaystay gabayadooda. Raaxo Warsame oo ka mid ah madaxda jaaliyada inta badana ka hadasha arimaha haweenka ayaa dowlada Turkiga iyo shacabkeedaba ugu mahadcelisay erayga “mahadsanid” ugu yaraan 20 luqadood oo ay ku jireen Thai iyo Chinese. Aad ayaa looga helay, waxaa u dhacay sacab badan. Ugu dambeyn waxaa ka hadashay xaaska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Hodan Ciise. Waxay u mahadcelisay iyada oo u hadleysa Soomaalida, dowlada Turkiga iyo shacabkooda. Waxay Soomaalida kula talisay in ay isku duubnaadaan. Prof. Hodan waxay tiri sida kaliya ee ay Soomaalida dhibka uga bixi karaan qaranimadoodana kusoo ceshan karaan in ay tahay in ay midoobaan.
Safiir ku xigeenka Timur Soylemez ayaa ugu dambeyntii ka hadlay kulanka loogu magacdaray u mahadcelinta dowlada Turkiga. Wuxuu ka mahadceliyay soo dhawenta qiirada leh ee ay u sameeyeen Soomaalida. Wuxuu qirtay in uusan soo dhaweyntan oo kale uusan weligiis arag. Wuxuu tilmaamay in uu dareemay in uu wadankiisa joogo oo kale. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku saabsan sidii ay Soomaaliya lugaheeda ugu istaagi lahayd, laakiin wuxuu cadeeyay sida kaliya ee dhibaatada looga bixi karo in ay tahay in ay Soomaalida iyaga marka hore ay rabaan in ay dhibaatada ka baxaan oo ay joojiyaan waxyaabaha keenaya kala qeybsanaanta. Dadaalka Turkiga wuxuu ku sheegay mid bilaw ah. Waxaa la gudoonsiiyay hadiyado. Waxaa hadiyadaha gudoonsiiyay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, ururada gargaarka ee ARC, Camuud, ARAHA iyo hay’ado kale.
Barnaamijka soo dhaweynta waxaa soo qabanqaabiyay ururka Somali Action Alliance oo uu saldhigoodu yahay magaalada Minneapolis. Waxaa kale oo kala qaybqaatay culuma udiinka, waxgaradka, iyo aqoonyahanada Soomaalida ee wadanka Mareykanka. Barnaamijka waxaa laga shaqeynayay in ka badan labo bilood.






















