Sunday, May 26, 2013
   
Text Size

Gobolka Minnesota oo aqoonsaday shaqada nin Soomaali ah


Abdulrahman Adem oo u shaqeeya Minneapolis Public Schools ayaa la aqoonsaday shaqadiisa iyo dadaalkiisa ku aadan waxbarashada ardada Minneapolis. Aqoonsiga uu helay Abdulrahman waa heer goboleed. State-ka Minnesota ayaa aqoonsaday shaqadiisa waxayna ku tilmaameen in uu yahay miracle worker.

70 Kun oo qof oo ka shaqeysa waxbarashada gobolka Minnesota ayaa laga aqoonsaday 5 qof oo uu ku jiro Abdulrahman. Sidoo kale waxaa isla goobtaas Award ku siiyay oo sidoo kale aqoonsaday shaqadiisa iyo dadaalkiisa Dr. Saeed Fahiye oo madax u ah Confederation of Somali Community.

Aqoonsiga ugu weyn ee uu Abdulrahman helay waxay ahayd sida uu uga qeybqaatay xiriirka ay iskoolada la leeyihiin waalidiinta gaar ahaan tan jaaliyada Soomaalida. Si uu ardaygu ku hormaro waa muhiim in uu jiraa xiriir wanaagsan oo dhexmara barayaasha iyo waalidiinta ardayda. Abdulrahman arintaas qeyb libaax ayuu ka qaatay.

Shaqadiisa kuma koobna waqtiga uu shaqada ku jiro oo kaliya. Abdulrahman waqti badan iyo saacado farabadan oo aanan lacag lagu siinin ayuu geliyaa waalidiinta iyo ardada Soomaalida.

Hoos ka aqriso aqoonsiga Abdulrahman oo English ah.



Advertisement

 

 

 

 

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg