Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Soomaalida degan Minnesota oo lacagtoodii kala baxay bangiyo ku yaala Minneapolis

Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa shalay ku banaanbaxay bangiyada Wells Fargo iyo US Bank ee ku yaala magaalada Minneapolis. Waxay kala baxeen lacagtii u taalay bangiyadaas.

Waxaa Soomaalida kala qeyb-galay banaanbaxa community-ga Hispanica, Indianka iyo Mareykan farabadan. Waxaa kaloo kala qeyb-galay oo qeyb libaax ka qaatay urur weyn oo Mareykan ah oo ay ku mideysanyihiin daladna u ah ururo badan. Ururada waxaa ka mid ah CTUL oo ku hadla afka hispanica, Somali Action Alliance oo ku hadla afka Soomaalida, ISAIAH oo ku hadla afka kaniisadaha, urur u hadla Jewish Community-ga, NOC oo ku hadla afka African American-ka, iyo urur u hadla Native American-ka.

Bangiyadan waxay diideen in ay la shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida. Sababtaas ayaa keentay in lagu banaanbaxo oo lacagta lagala baxo. Ururka CTUL waxay xireen accountigii ay bangiga ku lahaayeen. Waxay kala baxeen lacag gaareysa $70 kun. Ururo kale iyo dad farabadan ayaa iyagana xiray accountiyadii ay ku lahaayeen bangiyadan.


Advertisement

Minneapolis Public Schools ayaa la filayaa in ay iyagana joojiyaan xiriirkii kala dhexeeyay bangiga. Lacag gaareysa $20 million ayaa bil walba kaga timaada iskoolada Minneapolis.

Dad farabadan ayaa garab taagnaa Soomaalida oo ka xun go’aanada ay bangiyadan qaateen. Waxaa loo xiray wadooyinka gala downtown Minneapolis.

Soomaalida Soomaaliya joogta waxay ku tiirsanyihiin lacagta kaga timaada qurba joogtooda. $1.6 Billion ayaa Soomaalia gasha bil walba. Lacag ka badan $120 million ayaa loo malaynayaa in ay diraan Soomaalida Mareykanka.

 

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg