Saturday, May 18, 2013
   
Text Size

Xisbiga Hiil Qaran oo soo bandhigay qaabka ay Soomaaliya ku maamuli doonaan

Xisbiga cusub ee Hiil Qaran ayaa xaflad ku qabtay gobolka Minnesota. Waxaa kasoo qeybgalay dad farabadan. Dadkii yimid xaflada waxay ka koobnaayeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee degan Mareykanka gaar ahaan kuwa degan gobolka Minnesota.

Barnaamijka waxaa loogu magacdaray Hogaanka Cusub ee Soomaaliya. Waxaa loo yimid in la dhageysto Gudoomiyaha ururka Hiil Qaran Prof. Ahmed Samatar. Qudbooyinkii dhaadheeraa ee madaxda jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ka dib waxaa hadlay Prof. Ahmed Samatar.

Wuxuu ku bilaabay oo uu ka hadlay safar uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan xerada Dadaab oo ah xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida iyo magaalada Muqdisho. Wuxuu ka hadlay wixii uu soo arkay. Dhibaatadii uu soo arkay. Intii uu hadlayay shanqar kale lama maqleyn, isaga ayaa si toos ah loo dhageysanayay.

Wuxuu tilmaamay in ay xerada ku jiraan dad Soomaali ah. Tiradooda wuxuu ku sheegay in ay ka badanyihiin 600 kun oo qof. Wuxuu tilmaamay in ay xerada ku jiraan dadkan Soomaalida ah 20 sano ka badan. Wuxuu sheegay in madaxda Soomaaliya aysan dadkan u tagin 20-ka sano ee ay xerada ku jireen oo ilmihii ku dhashay ay ku ilmo dhaleen. Wuxuu kaloo tilmaamay in ay maalin walba yimaadaan Kenya oo ay uga sii duulaan wadamo kale oo ay shirar ku leeyihiin.

Wuxuu soo bandhigay barnaamijka uu xisbiga Hiil Qaran wadanka ku dhaqi doono haddii ay hogaanka qabtaan. Barnaamijka wuxuu ahaa mid cad oo aanan u baahneyn sharaxaad badan. Wuxuu ugu magacdaray 3+1. 3-Da hore waa siyaasada xisbiga uu ku dhaqi doono gudaha Soomaaliya, 1-kana waa siyaasada dibada. Aad ayaa loogu riyaaqay barnaamijkii uu soo bandhigay Prof. Ahmed Samatar.

Prof. Ahmed Samatar oo sharaxaya qaabka uu Soomaaliya uga dhigayo wadanka ugu horumarsan Africa, ka dhageyso video-ga codka ah ee aan kusoo filaaqnay qoraalkan.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg