Wednesday, June 19, 2013
   
Text Size

Soomaalida Minnesota oo ku heshiiyay in ay cunaqabateeyaan bangiyada

Xaflad si sare loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday masjidka weyn ee caanka ah ee Abu bakar Al-sadiq ee ku yaala magaalada Minneapolis. Waxaa looga hadlayay bangiyada Mareykanka iyo xawaaladaha Soomaalida.

Bangiyada Mareykanka ayaa diidan in lacag loo diro Soomaaliya. Waxay sheegeen in ay dhib uga imaan karto dowlada Mareykanka haddii ay lacag Soomaaliya u diraan. Dowlada Mareykanka ayaa beenisay in ay iyaga hortaagan yihiin lacagta loo dirayo Soomaaliya.

Soomaalida ugu badan wadanka Mareykanka waxay degan yihiin gobolka Minnesota. Ma jiro hal bangi oo ku yaala gobolka Minnesota oo Soomaaliya lacag u dira. Dad farabadan oo arimahaas ka careysan oo aanan waalidiintooda lacag u diri karin ayaa xalay isugu yimid masjidka.

Dadka yimid waxaa lagu qiyaasay dhowr boqol. Caro farabadan ayaa ka muuqatay qabanqaabiyeyaasha kulanka iyo dadkii kasoo qeyb-galayba. Waxaa lagu celceliyay in cunaqabateyn lagu sameeyo bangiyada diidan in ay lacagta diraan. Waxaa si toos ah carabka loogu dhuftay bangiga Wells Fargo oo isaga diiday in uu xitaa la hadlo Soomaalida.

Bangiga US Bank waxay balanqaadeen in ay yimaadaan xaflada, laakiin maysan iman. Waxaa lagu heshiiyay in akomada laga xirto bangiga Wells Fargo iyo kuwa kale ee diidan in ay lacagta diraan. Karen Clark oo ku jirta baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa sheegtay in ay taageerayso cuna-qabateynta bangiyada.

Waxaa kulanka joogay oo aad uga danqaday dhibaatada Soomaalida haysata ururada u dooda shaqaalaha ee degan gobolka Minnesota iyo ururo diimeed. Waxaa video soo diray oo muujiyay taageeradiisa ku aadan Soomaalida iyo sida uu uga xunyahay bangiyada diidan in ay diiraan lacagta Senator Al Franken. Nin ku hadlaya magaca Congressman Keith Ellison ayaa sidoo kale ka hadlay taageeradiisa ku aadan Soomaalida. Wuxuu muujiyay sida uu Congressman-ka uga xunyahay go’aanka bangiyada.

Waxaa lagu balamay in May 11 uu dhici doono kulan kale oo lagu sheegi doono bangiyada la cuna-qabateynayo. Qabanqaabiyeyaasha waxay codsadeen in aanan akomada hadda la xirin. Waxay doonayaan in hal maalin dhowr kun oo Soomaali ah ay istaagaan iridka Wells Fargo oo ay akomada ka xirtaan.

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket