Fanaanka qaranka ee Axmed Cali Cigaal oo la gudoonsiiyay abaalmarin
Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa abaalmarinta nooca ugu sareysa gudoonsiiyay fanaanka qaranka ee Axmed Cali Cigaal. Award-ka wuxuu ahaa Lifetime achievement.
Waxaa loo aqoonsaday in uu wax badan kusoo kordhiyay horumarka suugaanta Soomaalida. Axmed Cali Cigaal waa fanaan si weyn looga yaqaano Soomaaliya. Heesaha uu qaado waa kuwo macno badan ku fadhiya dadka intooda badana ay yaqaanaan.
Fanaanka wuxuu heeso badan u sameeyay fanaaniin kale. Wuxuu kaloo sameeyaa oo uu heesaha saaraa laxanka. Waxaa kale oo la tilmaamay in uu qabiir ku yahay garaacitaanka kabanka. Wuxuu ku jiraa fanaaniin yar oo garaaca dhamaan xargaha uu ka koobanyahay kabanka.
Abaalmarinta la siiyay fanaanka waxaa la socotay lacag.





















