Ciidamada Amisom oo ku dhawaaday magaalada Afgooye
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa isku sii fidinaya deegaanka Ceelasha Biyaha ilaa iyo Afgooye. Dagaal qaraar oo ilaa Talaadadii socday ayay ciidamada Amisom iyo ciidamada Dowlada ugu suurtoowday in ay 9KM u jirsadaan magaalada Afgooye.
Ciidamadii Al Shabaab ee lagu jabiyay dagaalada waxaa la sheegay in ay usii baxsanayaan dhanka magaalada xeebta ah ee Marka. Waxaa kaloo la tilmaamay in dagaalka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab iyo ciidamo badan oo ilaaladiisa ahaa.
Bishii August ee lasoo dhaafay ayay Al Shabaab kasoo baxeen magaalada Muqdisho oo ay awood badan ku lahaayeen. Gobolo badan oo gacantooda ku jiray ayaa laga qabsaday oo ay ka mid yihiin Hiiraan, Bay, Bakool, iyo Gedo.





















