Barnaamij lagu caawinayo ardada u socota jaamacadaha oo ka dhacay Minneapolis
Barnaamij lagu caawinayay ardada u socota jaamacadaha Mareykanka ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis. Waxaa barnaamijkan iska kaashaday ururka Somali Women’s Education Network iyo College Possible. Waxaa kale oo ka qeybqaatay Cedar Riverside Youth Counsel.
Waxaa kasoo qeybgalay arday Soomaaliyeed oo mardhaw bilaabaya jaamacadaha Mareykanka. Waxaa laga hadlay qaabka ugu fiican ee ardada loogu diyaarin karo imtixaanka loo yaqaan ACT iyo SAT. Imtixaankan waa kan ardada u suurta gelinaya in ay helaan jaamacadaha magaca weyn iyo waxbarashada bilaashka ah haddii ay buundo fiican keenaan.
Pa Lor oo ka socotay hay’ada College Possible ayaa ardada kala hadashay qaabka ugu wanaagsan ee ay ugu guuleysankaraan imtixaanadaas. Waxay kula talisay in ay ardada raadsadaan oo ay buuxiyaan warqadaha lagu codsanayo scholarship-yada.
Waxay tilmaantay ardada codsata scholarship-ka in intooda badan ay helaan. Waxyaabaha kale ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa in ardada uusan waqti badan uga lumin wixii ay baran lahaayeen ama ku taqasusi lahaayeen. Waxaa la tilmaamay in ay jiraan arday maraysa sanadkii 3aad oo haddana aanan weli ogeyn wixii ay baranlahaayeen. Barnaamijkan waxaa la sheegay in uu ardada ka caawinayo waxyaabahaas inta aysan bilaabin jaamacada.
Waxyaabaha kale ee laga caawin doono ardada waxaa ka mid ah in la barayo sidii ay isugu kalsoonaan lahaayeen kuna gaari lahaayeen go’aamo wanaagsan oo caawiya mustaqbalkooda. Waxaa kale oo lagala hadlay sidii ay ardada u baran lahaayeen sida loo kariyo cunto nafaqo leh oo dhista jirkooda iyo maskaxdaba. Waxaa kale oo ardada la baraa dhaqankooda oo luqada Soomaaliga.
Haddii aad dhameysay jaamacada oo aad rabto in aad ka qeybqaadato barnaamijkan oo aad rabto in aad caawiso ardadan fadlan la xiriir:
Fardousa Yossuf (612) 607-9027
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it





















