Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Ciidamo lagu magacaabo Alpha oo raadinaya Al Shabaab

Ciidamo commandos ah oo si gaar ah loo tababaray wejigana u duubanyahay ayaa guri guri u galay deegaanka Ceelasha Biyaha. Waxaa la tilmaamay in ay Al Shabaab isku qarinayaan oo ku dhuumaaleysanayaan deegaankaas.

Waxay soo xireen oo soo qabqabteen rag badan oo lagu tuhunsanyahay in ay ka mid yihiin ciidamada Al Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa lagu sigay oo wadada loogu galay deegaanka Ceelasha Biyaha isbuucii hore waqti uu booqanayay magaalada Afgooye.

Ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu soo daayay Ceelasha Biyaha. Ciidamada waxaa lagu magacaabaa Alpha Group. Waa ciidamo aanan wax badan laga aqoon. Waxaa si gaar ah loo ilaaliyaa in la ogaado shaqsiyaadka ku jira.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg