Thursday, June 20, 2013
   
Text Size

Ardada Minneapolis oo lacag ugu deeqay Soomaalida dhibaateysan

Iskool ku yaala magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Seward Montessori ayaa lacag ugu deeqay Soomaalida ku dhibaateysan Soomaaliya. Iskoolkan waxaa dhigta caruur yar yar oo ah kindergarten ilaa iyo class-ka 8deedaad.

Waxay lacagta ugu dhiibeen oo ay gudeensiiyeen ururka ARC. Ururka ARC waa urur ka shaqeeya Soomaaliya oo caawiya Soomaalida dhibaateysan. Waxaa ururka ka wakiil ahaa oo lacagta ka gudoontay ardada Shukri Abdinur.

Shukri waxay u mahadcelisay ardada lacagta soo aruurisay. Waxay u sheegtay lacagta ay soo aruuriyeen in ay wax badan u tari doonto dad aanan wax badan haysan oo dhibaateysan. Waxay kaloo Shukri tilmaantay in uu iskoolkooda yahay kii soo aruuriyay lacagta ugu badan.

Lacagta iskoolka laga gudoomay waxay gaareysay $2914.31. Waxaa kale oo ay ardada lacag gudoonsiiyeen Confederation of Somali Community. Waxaa lacagta ardada ka gudoomay hogaamiyaha ururka Dr. Said Fahiye.

Minneapolis Public Schools waxay qeyb ka yihiin barnaamijka “I Am A Star” oo ah barnaamij loogu talagalay Soomaalida dhibaateysan in lagu caawiyo. Lacagta ay ardada aruuriyeena waxay ku bixi doontaa qaabkaas.

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket