Dr. Cabduraxman Macalim Cabdullahi (Badiyow) oo cadeeyay inuu isku rashaxay madaxweynenimada Soomaaliya 2012

Mogadishu, Somalia – Dr. Cabduraxman Macalim Cabdullahi (Badiyow) oo ah ruux mutacalim ah isla markaana aad looga yaqaano wadanka gudihiisa iyo debadiisa ayaa maanta cadeeyay inuu u rashaxanyahay tartanka madaxweynenimo oo dhawaan lagu wado inuu dhaco bisha 8aad ee sanadkan 2012.
“sharaf wayn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka madaxweynenimo ee dhawaan dhici doona si loo badbaadiyo wadankeena aan jecelnahay oo run ahaanti ku jira dhib wayn mudo hada ku dhow 30sano”
Murashaxu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahantahay Hoggaan nadiif ah lehna aragti dheer oo markaa u babac dhigi kara caqabaadka waawayn ee wadanka hor yaala.
‘Waxaan tiigsanayaa Soomaaliya oo yeelata xukun ka fog musuqmaasuq, dadkeedu kuwada noolyahay nabad isla markaana deriskeeda kula nool nabad”
Murashaxu waa xubin firfircoon oo si xoog leh ugaga soo dhex shaqeeyay qaybaha bulshada ee kala duwan sida, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan howlaha bulshada rayika ah. Sidoo kale, murashaxu waa xubin ka mid ah madaxda sare ee Al Islaax kana soo qabtay ururkaas dhexdiisa mas’uuliyado kala duwan.
Murashaxu wuxuu ku haystaa shahaadada Phd-ga taariikhda Islaamka taana wuxuu ka soo qaatay Jaamacada McGill ee ku taala wadanka Canada
Murashaxu wuxuu kaloo khibrad wayn u leeyahay arimaha amniga oo waa sarkaal sare ee ciidamada militariga qaranka waxna ku soo bartay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti iyo Maraykankaba.


























