Ciyaartoyda Soomaaliya u mataleysa Olympicada oo ku jira diyaar gorowgii ugu dambeeyay
Ciyaartoyda Olympicada u mataleysa Soomaaliya ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay. Ciyaartoyda intooda badan waxay ka imanayaan magaalada Muqdisho oo waqti dheer ku jirtay dagaalo sokeeye.
Waxaa lagu arkayay iyaga oo ku ordaya wadooyinka Muqdisho waqti aysan sugneen amaanka magaalada. Runtii ciyaartoydan waxaa la dhihi karaa waa geesiyiin naftood hurayaal ah.
Ciyaaraha London waxay bilaabanayaan 27 July, 2012. Soomaali badan oo degan magaalada London ayaa la filayaa in ay taageeraan ciyaartoydan.
Viva Soomaaliya.


















