Tuesday, June 18, 2013
   
Text Size

Dr. Hussein Khalif oo Minnesota uga dhawaaqay in uu u tartamayo Madaxweynenimada Soomaaliya

Dr. Hussein Khalif Jama ayaa booqasho ku yimid gobolka Minnesota. Dr. Hussein wuxuu Soomaalida Minnesota u qabtay kulan balaaran oo ay dad farabadan kasoo qeyb-galeen. Wuxuu u sheegay oo uu ku dhawaaqay in uu u taaganyahay tartanka Madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacaya bisha August.

Sababta uu u tartamayo ayuu dadka u sheegay. Wuxuu tilmaamay in uu fiirsan waayey dhibaatada uu wadanka ku suganyahay. Wuxuu Dr-ka sheegay in horumar yar oo socday uu hadda meel dhexe ku istaagay loona baahanyahay qof ka saara oo socodsiiya.

5 Waxyaabood ayuu tilmaamay in loo baahanyahay in la sameeyo si uu wadanka hore ugu socdo oo uu dhibaatada ka baxo. Waxay kala yihiin hogaan adag, dhismaha ciidamada qalabka sida, la dirirka musuqmaasuqa, ilaalinta sharciga wadanka, iyo la dagaalanka qabyaalada.


Advertisement


Dr. Hussein wuxuu sheegay in uu noqonayo hogaamiye adag oo wax dhaqaajiya. Wuxuu tilmaamay in uu dhisi karo ciidamo tayo leh oo wax ka badala amaanka wadanka. Wuxuu sheegay in uu qibrad u leeyahay ciidamada. Wuxuu ka mid ahaa ciidamadii qalabka siday ee burburay.

Wuxuu tilmaamay in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa. Dr. Hussein wuxuu yiri haddii la waayo hantidii aad mas’uuliyadeeda haysay, adiguna waa lagu weynayaa. Wuxuu sheegay in uu ilaalin doono sharciga. Wuxuu dadka u sheegay in aysan laba wax meel wada geli karin, in lagu tunto sharciga haddana laga qayliyo cadaalad darada iyo musuqmaasuqa. Dr. Hussein wuxuu sheegay in uu la dagaalamayo qabyaalada. Wuxuu yiri “Dugsi malaha qabyaalidi waxay dumiso mooye, hore ayaa loo yiri, anagana hadda waan aragnay. Waxaa muhiim ah in la qirto in qabyaaladu tahay cudur dilaa ah ee aan inkirayno”.

Dr. Hussein Khalif Jama waa aqoonyahan. Wuxuu wax ku bartay jaamacado kala duwan. Wuxuu BA Economics ka qaatay Jaamacada Concordia, MA Economics jaamacada Waterloo, Harvard School, JFK School of Government wuxuu ka qaatay certificate ah Macroeconomic Policy Management. Wuxuu hadda u shaqeeyaa bangi ku yaala wadanka Saudi Arabia. Wuxuu ku jiraa madaxda sare ee bangiga.

Reer Minnesota waxay u balanqaadeen in ay taageerayaan.

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket