Barnaamij looga hortagayay gadashada jirka gabdhaha oo ka dhacay Minneapolis
Waxaa magaalada Minneapolis ka dhacay barnaamij looga hadlayay gabdhaha jirkooda gata. Barnaamijka wuxuu ahaa mid dadka lagu barayay sidii ay uga hortagi lahaayeen in aysan arimahaas ka dhicin bulshada dhexdeeda.
Waxaa seminaarka isku soo dabariday hay’ada Khadra Project. Kulanka wuxuu ahaa mid loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan waalidiinta si aysan caruurtooda ugu dhicin godkan. Waxaa kale oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan raga oo inta badan laga gado gabdhaha.
Waxaa la tilmaamay in dadka jirkooda la gado ay ku jiraan caruur yar yar oo qaarkood ay da’dooda ka yartahay 11 sano. Waxaa kale oo la tilmaamay, caruurta la gado in ay ka imaadeen guryo aanan laga war hayn ama uu buuq ka jiro.
Khadra Project waxay wadaan in ay sameeyaan guryo lagu dhaqaaleeyo laguna ogaado caruurta inta ay ku jiraan jahwareerka si aysan gacanta ugu galin dad xun oo ku qasba in ay jirkooda gataan. Waxyaabaha kale oo laga sheegay kulanka waxaa ka mid ah in dadka jirkooda la gato intooda badan ay rabaan in ay ka baxaan ganacsigan balse la haysto oo lagu qasbayo.
Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan 30 qof oo Soomaali ah ku eedeeysay in ay ku jireen ganacsigan. Gabdhaha lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen waxay dhamaantood ahaayeen Soomaali. Waxaa ku jirtay gabar 13 jir ah.
Waxyaabaha kale ee Khadra Project ay qabtaan waxaa ka mid ah; Waxay tababaraan waalidiinta Soomaalida si ay xiriir fiican kula yeeshaan caruurtooda. Waxay kaloo bixiyaan tababaro ku saabsan dhaqanka Soomaalida iyo kan Mareykanka taasoo waalidiinta iyo caruurtoodaba u fududeynaysa in ay is fahmaan. Waxay kaloo la shaqeeyaan gabdhaha qaata muqaadaraadka. Waxay geeyaan meelo looga goynayo waxyaabahaas.





















