Ganacsade Soomaaliyeed oo lacag u aruuriyay Congressman Keith Ellison
Xaflad lacag loogu aruurinayay laguna taageerayay Congressman Keith Ellison ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Waxaa xaflada sameeyay oo soo agaasimay Dr. Siyad Abdullahi oo ah ganacsade degan gobolka Minnesota horena u qabtay kulamo noocan oo kale ah.
Waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa joogay siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahano.
Lacag ayaa loogu yaboohay Congressman-ka. Waxaa kulanka laga sheegay sida uu marwalba ugu istaago una taageero bulshada Soomaalida iyo muslimiinta. Waxaa si gaar ah loo xusay sida uu ula shaqeeyay Soomaalida markii ay bangiyada joojiyeen lacagta ay Soomaaliya u diraan.
Congressman Keith Ellison waa congressman-kii ugu horeeyay taariikhda Mareykanka oo muslim ah oo gala baarlamaanka Mareykanka. Dadkii yimid xaflada waxay ahaayeen taageerayaasha Congressman-ka.
Mar dhaw ayuu doorasho gelayaa.





















