Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Omar Id'aan oo u tartamaya kursiga Wajeer South oo laga taageeray Minnesota

Xaflad lagu taageerayay musharax Omar A Id’aan ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis. Omar wuxuu u tartamayaa kursiga Wajeer South ee Baarlamaanka Kenya.

Waxaa xaflada soo buux dhaafiyay taageerayaasha Omar oo meel walba isaga yimid. Waxaa xaflada lagu dhigay hall-ka weyn ee Safari. Waxaa kasoo qeyb galay oo goobta ka hadlay madaxda jaaliyada, aqoonyahano, arday, ganacsato, abwaaniin iyo wax garad. Waxay dhamaantood balanqaadeen in ay taageerayaan Omar.

Waxaa xusid mudan, xaflada waxaa wada joogay oo Omar wada taageerayay siyaasiyiin aanan wada fariisan jirin oo siyaasada ku kala fogaa. Waxay dhamaantood dadka u sheegeen in uu Omar yahay shaqsi fiican oo dadka wax badan u qabtay.

Waxaa la tilmaamay in uu ka wax qabad badnaa kuwa kuraasta ku fadhiya ee dadka matala. Wax qabadkiisa waxaa lagu cabiray gabayo, buraanbur iyo heeso.

Abwaanka da’da yar ee reer Minnesota Saalax Doonyaale ayaa wuxuu yiri “ Caawa waxay iiga farxad badan tahay xaflad walba oo aan ka hadlay am aka qeyb galay. Waxay xataa iiga farxad badan tahay ciidaha.”


Advertisement


Fanaanada Nimco Dareen ayaa u timid Omar oo ka heestay goobta. Waxaa kale oo heesay qaar ka mid ah fanaaniinta Minnesota.

Ugu dambeyntii waxaa lagu soo dhaweeyay oo hadlay Omar. Wuxuu markiiba dadka u sheegay in dhulka uu rabo in uu matalo ay degan yihiin dad sabool ah. Wuxuu sheegay in shaqo la’aantu ay gaarsiisan tahay 90%.

Omar wuxuu tilmaamay in isaga qudhiisa uu kusoo koray saboolnimo. Wuxuu dadka uga sheekeeyay yaraantiisii. Wuxuu tilmaamay in uu ahaa agoon. Si uu iskoolka ku dhigto wuxuu sheegay in uu gadan jiray dhiigiisa.

Dadka qaar waa calool xumaadeen. Wuxuu tilmaamay in uu fahmi karo dhibaatada haysata dadka degan Wajeer. Wuxuu sheegay in uusan u baahneyn in loo sharaxo ama looga sheekeeyo dhibaatada jirta sida dadka qaar.

Wuxuu balanqaaday in uu wax badan ka badali doono xaalada adag ee ka jirta Wajeer. Aad ayaa loogu riyaaqay qudbadiisa, waxaana loo balanqaaday in la taageero.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg