Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo lagu qarxiyay Muqdisho
Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa maanta la qarxiyay baabuur uu watay. Waxaa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa. Baabuurka wuxuu ku qarxay xaafada Xamarweyne.
5 Qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Waxaa qaraxa sheegtay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab.
Xildhibaan Maxamuud wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay xukuumadii Farmaajo. Wuxuu Wasiir ka noqday Caafimaadka, Arimaha Bini’aadamka iyo Ganacsigaba.
Wuxuu aad ugu dhawaa oo ay koox wada ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.





















