Prof. Ahmed Samatar oo ku guuleystay cod-bixintii Mogadishu Times

Prof. Ahmed I Samatar ayaa ku guuleystay cod-bixintii ka socotay Mogadishu Times. Doorashada waxay socotay hal isbuuc.
Prof. Ahmed Samatar wuxuu helay 29.9%. Kaalinta labaad waxaa galay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo oo helay 27.4%. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa kaalinta 3aad ku galay 11.4%.
Waxaa codeeyay 2185 oo qof. Cod-bixintan ma’aha mid rasmi ah. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa u codeynaya oo dooranaya baarlamaanka Soomaaliya. Laakiin cod-bixintan waxay ka tarjumeysaa rabitaanka shacabka Soomaalida waqtigan hadda la joogo.
Waatan natiijadii cod-bixinta:



















