Wednesday, June 19, 2013
   
Text Size

Socdaalkii Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar iyo Xassan dhooye: Dhibaato Culus ayaan Muqdisho Ku Soo Aragnay


Video-ga halkan riix ee daawo

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaan gaarnay Aniga iyo Sh. C/raxmaan Soomaaliya gaar ahaan, Muqdisho, waxaan u tagnay si isxilqaamid ah inaan daraasad kusoo samayno xaalada banii aadamanimo, waxaan lasoo kulanay arin aad u xanuun badan una naxdin badan, ma’aha arin aan filaynay, waxaan tagnay meelo farabadan oo baracayaal boqolaal kun gaaraya ku jiraan, waxaan soo aragnay arin indhuhu la ilmeeyaan, qalbiguna la murugoodo, hurdaddana lagu waayo. Waxaan u tagnay dad Soomaaliyeed oo Muslimiin ah oo aan dhimana noolayn, waxaa isugu darsamay hurguri la’aan, hoy la’aan, hu la’aan iyo cudur iyo dacdaro oo dhan.

Arinta aan ka hadlayo ma’ahan arin erayo kooban lagu cabiri karo, mana aha’an arin qof aan arag looga sheekayn karo, laakiin waxaan rajaynayaa inaad Maqal iyo muuqaalba la arki doonto. Dadka intooda badani waxay dagan yihiin waabab aan roobka iyo qoraxda ka celinayn, xiligan aan ku jiro waa xili roobaad, waxaa ku dhacay dadka Burunkiito, tabar yaridooda daraadood, kadibna TB isu badashay.

Fadlan daawo Video-ga kadibna ka bixi jawaab ku haboon. Fadlan lasoo xariir cinwaanadaan hoose oo kusoo hagaaji tabarucaadkaaga.

Haro waxay afurinaysaa 3 meelood fadlan ka qayb qaado oo ku afuri $2 qofkii maalintii, bishii waa lixdan$60, sidoo kalena $15 bac ay roobka kagalaan ugu iibi qoys dhan. Meelahaana waa meelo ay kujiraan Indhoola yaal iyo dad naafo ah. Waxaad ku bixin kartaa sadaqaada online fadlan booqo www.harousa.org ama fadlan soo wac cinwaanadaan hoose.

 

 

Humanitarian African Relief Organization (HARO)

Minnesota

3355 Hiawatha Ave South. Ste 202
Minneapolis, MN 55406
612-636-5338

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

California

6161 El Cajon Blvd # 912 San Diego, CA 92115
1(619) 741-9260
Seattle Washington
(619) 741-9260
206-7870631
Ohio
614-471-5329
614-207-2552

 photo d1065_zps84c5f012.jpg

 photo D1056_zps6f77caa2.jpg

 photo d1032_zps3d9c209b.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket