Sunday, May 26, 2013
   
Text Size

Hay'ada Haro oo caawa shir ku qabatay Minnesota Aruurisayna dhaqaale gaaraya $10.000

Minneapolis: Waxaa caawa maqaayada Safari lagu qabtay shir ay soo qaban qaabisay Ha'da Haro ayna kasoo qayb galeen Culimo owdiinka magaalada Sida; Sh. Axmed Taajir, Sh. C/risaaq Xaashi iyo Sh. Xasan jaamici. Hay'ada Haro oo laga soo gaabiyey Humanitarian African Releig Organization ayaa shir isugu jira Warbixin iyo Afuru u qabatay Jaaliyada reer Minnesota (Haro First Annual Rammadan Dinner) Shirka ayaa ahaa mid loo soo agaasimay si wanaagsan, dadwayne farabadana kasoo qayb galeen.

Shirkaan ayaa wuxuu ka mid ahaa olole hay'ada haro kawado Maraykanka, kasoo ay ugu magacdartay (Barnaamijka Afurinta Hay'ada Haro) Shirka ayaa ugu horayntii waxaa ka hadlay Agaasimaha hay'ada Sh. Xasan Dhooye oo dhawaan kasoo laabtay Magaalada Muqdisho. Sh. Xasan ayaa ugu horayn sharxay Haro iyo waxa ay u taagan tahay, sheegayna inay tahay Hay'ad Samafal, Hurumarin iyo quwayn kan baahan, ayna Sameeyeen dad Soomaaliyeed, loona Sameeyey Afrika iyo Geeska oo dhan, Sidoo kale wuxuu intaa ku daray Hay'ada in la aas aasay 2007 ilaa xiligaasna inay shaqaynaysay, kaalin wayna inay ka gaysatay abaarihii hada ugu danbeeyey ee 2011, isoo hadalkiisii sii wata ayuu yiri, halkaan kuma soo koobi karo warbixinta haro ee fadlan kaga bogo harousa.org

Sh. Xasan Dhooye ayaa halkaas warbixin dheer kajeediyey marxadalada xaalada wadanka uu marayo dhinacwalbaba. “Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa Soomaaliya intay noo jirto ayaa xogteedana noo jirtaa” Sidoo kale mar uu ka hadlayey baahida waxqabad ee wadanka taala ayuu yiri “Wadankeenii waa inoo baahan yahay, wuxuu u baahanyahay, qof Islaam ah wadani ah, niyad iyo han uu wax ku qabtana le” Sidoo kale Sh. Xasan Dhooye ayaa aad ugu dheeraaday baahida iyo dhibaatada uu wadanka kusoo arkeen, isaga iyo Sh. C/raxmaan Sh. Omar oo safarka ku weheliyey. Sh. Xasan ayaa soo bandhigay sawiro tira badan oo muujinaya magaalada muqdisho dhinac walbaba, gaar ahaan dhiibatada haysata dadka barakacayaasha ah ee ku teedsan Magaalada muqdisho.

Sawirada uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo aad u murjiyey dadwaynihii shirka kasoo, kusoo muujinayey dad Soomaliyeed oo aad u tabaalaysan. Wuxuu kaloo intaas ku daray inay intii awoodu gaarsiiso ay wax ka qabtaan haday yihiin Haro.

Agaasimaha Haro ayaa intaa raaciyey inay bilaabeen barnaamijkooda xiliga dhow inay dadkaas tabaalaysan lagaaraan Afur iyo baco ay roobka ka galaan.

Sh. Xasan dhooye ayaa yiri waxbadan ayaan qaban karaa, Asbuuc ka hor ayaan barnaamij kan bilownay ilaa hadana waxaan afurinaa maalin kasta $600 oo qof oo isugu jira Indhoolayaal iyo dad aad u tabar daran, hadii aan isu gayno Xoogeena iyo xoolaheenan intaas waan kii badin karaa.

Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Sh. Xasan Jaamici Imaamka Masjid Dacwah, Sh. Jaamici ayaa sheegay inuu mar'aan fogayn Muqdisho kusoo arkay uuna soo arkay sawiradaan caawa goobta lagu soo bandhigay, dadkaana ay u baahan yihiin waxtar Ajarna laga helayo, Sh. Jaamic ayaa bilaabay tabarucaadkii isagoo asagu is bilaabay.

Tabarucaadii ugu badnayd waxaa bixiyey Maqaayada Safaari iyo Immediate Care Transportation (ICT)

oo bixiyey 600 oo qof ufurkooda hal maalin.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyey Imaamka Masjid Abubakar Sh. C/risaaq Xaashi oo dadka kala hadlay inay xaq nagu tahay inaan wax taro walaalaheena tabaalaysan, tabarucaad uu iska bilaabayna aruuriyey.

Sidoo kale waxaa dadka aad ula hadlay Sh. Axmed Taajir imaamka Masjid Umatul Islaam, kana aruuriyey isagoo isaguna naftiisa ka bilaabaya xoolo aan yarayn. Dadwaynaha goobta kasoo qayb galay ayaa ka qayb qaatay afur aruurintaas, aad ayaana culimmadu ugu duceeyeen cidkasta oo gacan ka qaysatay. Dhaqaalaha Caawa la balanqaaday ayaa ku dhawaa $10.000

Ugu danbayntii Agaasimaha Haro Sh. Xasan dhooye ayaa dadwaynihii shirka kasoo qayb galay aad ugu duceeyey uguna mahadceliyey, sida wanaag san ay usoo ajiibeen, iyo waxtarka ay dadka tabaalaysan u gaysteen. Sidoo kale wuxuu si khaas ah ugu mahad celiyey Culimmada iyo Maqaayada Safari, oo shirka Marti galisay. Sidoo kale Agaasimaha Ha'ayda ayaa dadka ku booriyey in dadka aysan caawa usuu roobin dhaqaalahooda meelay joogaanba kusoo hagaajin karaan.

1- Xafiisyka Guud ee Haro (Cinwaanka hoose )

2- Wells Fargo

3- Acc: 8456254773

4 - harousa.org (click Donate)

5- Xawaalada Tawakal (Haro E-Tawakal)

6- Xawaaladaha Kale

 


Humanitarian African Relief Organization (HARO)

3355 Hiawatha Ave South. Ste 202 Minneapolis,MN 55406

Office: 612-315-5691

Fax: 612-315-5693 fax

Mobile: 612-6365338

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

www.harousa.org

 

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg