Muqdisho oo laga xusay sanadguuradii maalintii Al Shabaab laga xoreeyay
Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay oo looga dabaal degay sanad guuradii kasoo wareegatay maalintii kooxda Al Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho. Waxaa dabaal dega kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda dowlada oo uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Axmed.
Waxaa dabaal dega si weyn uga muuqday taageerayaasha madaxweynaha. Waxay xirnaayeen ama wateen waxyaabo lagu tilmaamayo taageeradiisa doorashada xilka madaxweynaha.
Waxaa madaxweynaha lagu eedeeyay in uu si sharci daro ah doorashadiisa ugu isticmaalayo hantida iyo hay’adaha dowlada.
Advertisement

















