Tawakal ayaa hirgalisay, E-tawakal iyo Mobile lacag lagu diro
Minneapolis--Adeegyadan cusub ayaa lagu soo bandhigay casho afur ah oo lagu qabtay magaagalada Minneapolis, oo ay ku taalo xarunta laga maamulo Tawakal ee Mareykanka, fiidnimadii Jimcaha.
Cali Maxamed oo ah madaxa waaxda horumarinta ganacsiga ee Tawakal oo shirka ka hadlay ayaa u sheegay dad ku dhow 200 oo qof oo kulanka timid in E-Tawakal, Zaad iyo Sahal, oo dhamaantood loo sameeyay si dadka loogu soo dhaweeyo adeegyada ay u baahan yihiin.
E-Tawakal ayaa waxaa loo dhisay si macaamiisha shirkada Tawakal looga fududeeyo culeysyo badan oo heysta dadka aadka u mashquushan, oo aan heli karin waqti badan oo ay ku noqnoqdaan goobaha ay wakiilada ka heli karaan.
Nidaamka oo xili dhow la sameeyay, lagana heli karo 52 dal oo Tawakal ka shaqeyso ayaa helay macaamiil badan, oo ay ku jiraan ganacsato, darawaliinta gaadiidka xamuulka ah wado, taksilayaal iyo xirfadley kale oo iyagu lacago ku shubta, si toos ahna uga dirsada goobahooda shaqo ama guryahooda.
Zaad iyo Sahal, adeegyada telefoonka lacagta la is kugu diro ee Soomaaliya, oo ay leeyihiin shirkadaha Golis iyo Telesom kuwaas heshiis laga galay Tawakal, ayaa fududeeyay in macaamiishooda ay lacagta ka heli karaan koontooyinka ay leeyihiin ee hoostago isgaarsiinta.
Lacagta ku dhaceysa telefoonka, taas oo macaamiisha ay sarifan karaan, waxna ku gadan karaan ayaa yareysay walwal dhinica amaanka ah oo ay dadka ka qabeen wadooyinka aan nabada aheyn in hantidooda lagu dhaco ama iyaga lagu dilo.
Cabdicasiis Dhoore, madax waaxda sharciyada iyo xiriirka dadweynaha ee Tawakal Mareykan, oo ayaa kulanka hadal ka jeediyaya ayaa sheegay in ay howsha xawaalada oo ku bilaabatay liis fakis lagu diro, ay Tawakal gaarsiisay in dadka adeega loogu geeyo halka ay uga baahan yihiin, oo ay maamushaan inta ay diraan iyo waqti ay rabaan inay diraan.
Shirkada xawaaladaha oo sameysmay, markii Soomalia dowladeeda burburtay1991, dad fara badan ay qurbo joog noqdeen, ayaa fududeeyay isku xirka dadka wadanka jooga iyo qaraabadooda ka soo guurtay wadanka.
Lacagaha Soomaaliya dibada kasoo gala ayaaDowladda Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka waxay ku qiyaasaa inay dhan yihiin 2 Bilyan oo Dollar sanadkii.
“Dadka Soomaaliyeed ay wadanka ku maalgaliyaan lacago ay ka diraan dibadda, taas oo badashay dhaqaalaha wadanka oo markii hore dhoofka xoolaha ku tiirsanaa” sidaas waxaa kulanka u sheegay Cabdicasiis oo intaas ku daray “in lcagtaas ay tahay awooda dhaqaajiso, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka, kirada guryaha, kala gadashada dhulka iyo waxyaalaha kale ee aasaasiga u ah nolosha dadka”
Cabdicasiis ayaa sheegay in dadaalka wada jirka ee shirkadaha Soomaaliyeed uu abuuray in wadanka yeesho dhaqaale ka hortagay in masiibo bini’aadanimo oo wax lagu cabiro aynan jirin ka dhacdo dalka ay dagaalada ka socdeen mudo ka badan 20 sano.






















