Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Mid ka mid ah diyaaradihii dhacay oo la helay

Waxaa maanta la helay diyaarad helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Ugaandha. Diyaarada waxay ku socotay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalada Al Shabaab.

Afar askari oo la socotay diyaarada ayaa ka badbaaday. Diyaarada waxay ku dhacday meel keyn ah oo ku taala gudaha Kenya. Waxaa kale oo wali la raadinayaa labo diyaarad oo kale iyo 10 askari oo saarneyd.

Labada diyaarad oo kale waxay ku dhaceen meel aanan ka fogeyn meesha laga helay diyaarada. Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta keentay in ay dhacaan 3 diyaarad. Macquul ma’aha in ay 3 diyaarad isku waqti ay cilad farsamo u dhacaan.

Waxay u badan tahay in diyaaradaha ay soo rideen kooxda Al Shabaab. Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya waxaa la tilmaamay in ay ku dhuumaaleysanayaan ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg