Xaflad lagu taageerayo maamulka cusub ee uu hogaaminayo Gen. Cabdi Xasan Cawaale ayaa Minnesota lagu qabtay
Xaflad lagu taageerayay maamulka cusub ee Galmudug State ee uu madaxweynaha ka yahay Gen. Cabdi Xasan Cawaale ayaa ka dhacday gobolka Minnesota. Waxaa kale oo xaflada lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Xasan Maxamuud Hayl oo dhawaan kasoo laabtay Galmudug. Waxaa kale oo la xusay sanadguuradii 6aad ee aas aaskii Galmudug State.
Waxaa xaflada kasoo qeybgalay madaxda jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota iyo dadweyne farabadan. Waxaa goobta ka heesay oo wacdaro ka dhigay fanaaniinta gobolka Minnesota oo qaaday heeso loo sameeyay maamulka.
Waxaa la tilmaamay mudadii uu maamulka Galmudug dhisnaa in wax laga qabtay horumarna laga gaaray dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo isgaarsiinta. Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamuud Hayl ayaa sheegay in uu maamulku qorsheynayo in uu gaaro dhamaan deegaamada gobolada dhexe.
Gen. Cabdi Xasan Cawaale ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Galmudug State. Wax qabadka ugu weyn ee maamulka Galmudug waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay saxiixayaasha Road Mapka Soomaaliya.





















