Wednesday, May 22, 2013
   
Text Size

Dhalinyaro Yurub ka timid oo booqanaya Minnesota

Dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid wadamada Denmark, Norway iyo Sweden ayaa booqasho ku jooga gobolka Soomaalida ay ku badan tahay ee Minnesota. Waxaa dhalinyarada wada oo keenay dowlada Mareykanka gaar ahaan safaarada Mareykanka ay ku leeyihiin wadanka Denmark.

Sababta loo keenay ayaa ah in ay darsaan kana faa’iideystaan horumarka Soomaalida degan Minnesota. Waxaa la tilmaamay in Soomaalida Minnesota ay aad uga horeeyaan Soomaalida degan wadamada Yurub.

Waxaa lagu soo wareejiyay ganacsiyo iyo hay’ado ay leeyihiin Soomaalida. Waxay shalay booqdeen hay’ada African Development Center oo ah hay’ada ugu weyn ee maalgelisa ganacsiyada yar yar. Hay’adan waxaa aas aasay madaxna u ah nin Soomaali ah oo la yiraahdo Hussein Samatar.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg